Friday 23 December 2022

sheeko aad u qosol badan




Bari baa waxa jirtay gabar Ayaa facebok waxay kusoo qortay waxaan u baahanahay nin aan I tumaynin igana tagaynin sariirtana igu qancin Kara wixii lasoo Waco lasoo caayo la raadiyo 

                maalin kadib 

 albaabka waxaa kusoo gargaraacay nin curyaan ah kadib albaabkii ayay furtay ,waxa uu ahaa nin curyaan ah markaasu ku yidhi( soo maad odhan waxaan u baahanahay nin aan I tumaynin igana tagaynin sariirtana igu qancin Kara)markaasay tidhi(haa laakiin sidee)?markaasu ugu jawaabay (anigu kuma tumi karo 
kaamana tagi karo ee I guurso! )  markaasay tidhi (waan kuu jeeda laakiin sariirta inaad igu qancin karto maxaa cadeynaya )?markaasu yidhi (hadaanan kugu qancin Karin albaabkaba kuguma soo gargaraaceen ee bay ) 



wixii faahfaahin dheeraad ah nagala soo xidhiidh  Dan news @gmail.com  

Manchester City Oo U Soo Gudubtay Wareega 8da Carabao Cup, Liverpool Ayay Etihad Ku

 Manchester City ayaa u soo gudubtay wareega 8da koobka Carabao Cup ka dib markii ay garoonkooda ku dubteen kooxda Liverpool iyagoo ku garaacay 3-2 ciyaar aad u xamaasad badneyd.



Liverpool oo koobka difaacaneysay ayaa lagu reebay wareega 16ka iyadoo Manchester City ay u gudubtay wareega xiga waxayna uga mahadcelinayaan Haaland, Mahrez iyo Nathan Ake.

Manchester City ayaa hogaanka ku hormartay daqiiqadii 10aad markii karoos uu soo qaaday uu shabaqa ku taabtay Erling Haaland oo nasasiino ku jiray intii uu Koobka Adduunka socday.

Inkastoo Man City ay kubada inteeda badan heysatay islamarkaana fursado badan abuureysay hadana Reds ayaa ciyaarta barbareysay daqiiqadii 20aad markii James Milner uu kubad u dhigay Carvalho oo dabamariyay goolhayaha.

Barbaro 1-1 ah ayaa lagu kala maray qeybtii hore ee ciyaarta laakiin markii la isku soo laabtay Manchester City ayaa mar kale hogaanka ciyaarta u qabatay markii uu Mahrez si macaan u dhaliyay karoos uu ka helay Rodri.

Laakiin daqiiqad ka dib waxaa hadana barbareysay Liverpool iyadoo Mohamed Salah uu shabaqa ku taabtay kubad uu ka soo shaqeeyay David Nunez.

Mar seddexaad ayay Manchester City hogaanka u qabatay ciyaarta markii Kevin de Bruyne uu karoos uu dhigay uu madax ku dhaliyay daafaca Nathan Ake.

Man City ayaa ciyaarta iska maamuleysay laakiin Liverpool ayaa iyagana isku dayay inay ciyaarta mar seddexaad barbareeyaan iyadoo Darwin Nunez uu fursad gool loo fishay ka qasaariyay.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-2 oo ay Manchester City uga takhalustay kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool


Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Ruunirgood

 


Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya kuwa deegaanka ay maanta si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, General Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamada ay maleeshiyada Al Shabaab ka saareen degmadaasi.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada qaybtood ay ku raadjooggaan firxadkii maleeshiyadaasi, qaar kalena ay hawlgalo amni xaqiijin ah ka wadaan gudaha degmada.

“Ciidankii qaarna degmaduu ku sugan yahay oo sugidda amnigeedii iyo baaris qaraxyo lagu baarayo ayaa laga raadinaya, inkastoo weli aan waxba laga helin oo nadiif tahay, ciidana wuxuu ku sii jiraa baacsiga cadowga.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Waxa uu sheegay in Ruunirgood ay ahayd degmadii ugu dambeysay ay Shabaabku kaga sugnaayeen Dowlad Goboleedka Hirshabelle, maantana ay xor yihiin min Matabaan illaa Ceel-cirfiid.

“Degmada Ruunirgood waa degmadii ugu dambeysay ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee cadow haystay laga xoreeyo, laga soo bilaabo Matabaan illaa Ceel-cirfiid dhammaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle waxaa gacanta ku haya Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka.” Ayuu yiri General Cabdullaahi Cali Caanood.

General Caanood ayaa xusay in ay jiraan deegaano ay Shabaabku kaga harsan yihiin Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, dhawaana laga saari doono.

“Way jiraan meelo ay cadowga kaga hareen, sida galbeedka Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ayagana Insha’Allah dhawaan waa la kurtumo jarayaa, meelahaas ay u carareena waa laga saari doonnaa, waana loo diyaarsan yahay, cutubyadii halkaasi ka hawlgeli lahaana waa loo diyaariyay.” Ayuu yiri General Caanood.

Jananka ayaa intaasi ku daray in hawlgalada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ay dhawaan ka bilaaban doonaan Dowlad Goboleedyo kale, kuwaa oo aan ahayn kuwa hadda ay hawlgaladu ka socdaan.




wixii faahfaahin dheeraad ah nagala soo xidhiidh @dan news @gmail.com 

sheeko aad u qosol badan

Bari baa waxa jirtay gabar Ayaa facebok waxay kusoo qortay waxaan u baahanahay nin aan I tumaynin igana tagaynin sariirtana igu qancin Kara ...